4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2018
In ka badan 11 Milyan oo Doollar oo lagu bixin doono dib u dhiska Kismaayo


Talaado, April, 17, 2018 (HOL) -Wafdi ka socday bangiga Adduunka, wasaaradaha qorsheynta iyo howlaha guud ee dowladda Soomaaliya oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kulamo la lahaayeen madaxda Jubbaland, ayadoo kulamadaasi diiradda lagu saarayay mashaariic horumarineed oo laga fulin doono magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Wasiiradda wasaaradaha Howlaha guud iyo guryeynta, Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga iyo Maaliyadda Jubbaland, waxaa sidoo kale kulan ka qeyb galay masuuliyiinta maamulka degmada Kismaayo kan gobolka J/hoose.

Wasaaradaha qorsheynta iyo howlaha guud ee dowladda dhexe ayaa soo bandhigay qorshey ay doonayaa in dib u dhis loogu sameeyo Kismaayo, kaa oo uu maalgelin doono Bangiga Adduunka.

Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo saxaafadda la hadlay maanta kadib markii ay soo idlaadeen kulamada ayaa sheegay in la isku afgartay in mashaariicdan ay fuliso dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo intaa ku daray in wax looga qaban doono dhinacyada nadaafadda, dhismaha biyo Mareenno iyo wadooyinka Laami ah, sidoo kale xaafadaha magaalada looga hirgelin doono Nalal.

Mashruucan ayay dowlad goboleedka Jubbaland sheegtay in ay ku bixi doonto in ka badan 11 Milyan oo Doollar.

Arrintan ayaa kusoo beegmeeysa ayadoo wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Soomaaliya ay hore u shaacisay in dowladda Turkiga ay magalaada Kismaayo ka bilaabi doono howlo dib u dhis ah oo lagu mataaneeynayo magaalada Antalya ee Turkiga iyo Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.