3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2018
Qatar oo gadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir

 

Talaado, April, 17, 2018 (HOL) – Xukuumada Qadar ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir si loo dardargeliso howlaha ka socda dowladda Hoose ee Xamar.

Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo dowladda Qadar ayaa Gaadiidkaan Basaska ah ku kala wareegay gudaha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Tiradda Gaadiidkaan ayaa gaaraysa 30 Basas kuwa waaweyn ee dheereeye ah, 17 ka mid ah Gawaarida ayaa loogu tala galay in loo qeybiyo degmooyinka Maamulka Gobolka Banaadir , waxaana inta soo hartay la siin doono Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

 

Gaadiidkan ayaa ka caawin doona maamulka gobolka Banaadir dardargelinta Howlaha maamulka , iyadoona markii ugu horay degmooyinka ay heli doonaan qeybtooda.

Dowladda Qadar ayaa horay ugu wareejisay wasaaradda Amniga Gaadiid loogu tala galay in ay ku shaqeyaan ciidamada Ammaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/17/2018 4:01 PM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo xarun u ah ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

4/17/2018 12:08 PM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Alla ha u naxariistee Maxamed Cabdilaahi oo watay gaari nooca loo yaqaan Candho Maydle ayaa Dooxa Aw Barkhadle ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ku qaaday kaddib markii daadad waaweyn ku soo rogmadeen.

4/17/2018 9:13 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Khuburo dhanka kiimikooyinka ah ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobtii la sheegay in uu weerarka kiimikada ah ka dhacay Arbacadii, sida ay dawladda Ruushku sheegtay.

4/17/2018 8:38 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL) -Wafdi ka socday bangiga Adduunka, wasaaradaha qorsheynta iyo howlaha guud ee dowladda Soomaaliya oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kulamo la lahaayeen madaxda Jubbaland, ayadoo kulamadaasi diiradda lagu saarayay mashaariic horumarineed oo laga fulin doono magaalada Kismaayo.

4/17/2018 5:15 AM EST
Talaado, April,17,2018 (HOL)–Danjiraha a Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa isniintii ku dhawaaqay dadaaalo adag oo ladoonayo in looga hortago qatarta wax-yaabaha qarxa ee ku wajahan ciidamadda amaanka iyo shacabka Somaaliyeed intaba.

4/17/2018 3:29 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Sida lagu shaaciyay qaar ka mid ah warbaahinta dowladda Isreal ayaa ka sii deysay xabsi ku yaala magaalada Saxaronim ee Koonfurta Israel shalay oo Isniin aheyd 200 oo Muhaarijiin ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda qaarada Africa.

4/17/2018 2:35 AM EST
Talaado,April,17,2018 (HOL)-Maxkamad ku taallo Magaalada Miami ee gobolka Florida, ayaa 27-ka bishaan April lagu wadaa iney go’aan ka gaarto 52 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xiran labo xabsi oo ku yaallo magaaladaas.

4/17/2018 12:36 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL) - Taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii ugu danbeeyay soo baxayay oo sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya boobeen agabkii yaala dugsiga Jen Gordan oo ay maamulaan Imaaaraadku.

4/17/2018 12:24 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii todobaadkii hore dowlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah Imaaraadku ugu talagaleen ciidamada ku sugan deegaannada Puntland oo ay tababaraan.