4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2018
Mareykanka: Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Miami oo 27-ka bishaan go’aan laga gaarayo


Talaado, April, 17, 2018 (HOL) - Maxkamad ku taallo Magaalada Miami ee gobolka Florida, ayaa 27-ka bishaan April lagu wadaa iney go’aan ka gaarto 52 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xiran labo xabsi oo ku yaallo magaaladaas.

Maxaabiistaan go’aan ka laga gaaraayo oo horay oga tirsanaa 92 maxbuus oo bishii December ee sannadkii horay laga dhoofiyay gobolka Louisiana iyagoo Soomaaliya loo waday, balse diyaaradii siday ay dib oga soo laabatay wadanka Senegal kadibna lagu xiray xabsiyo ku yaallo gobolka Florida.

18 ka mid ahaa maxaabiistaas, ayaa la sheegay in dib loogu celiyay Soomaaliya kadib markii ay codsadeen halka qaarkii soo horay ayaa lagu kala xiray xabsiyada Krome iyo Glades oo ku yaallo Miami.

Maxaabiistaan Soomaaliyeed oo iskugu jiro kuwa wax badan joogay Mareykanka oo sharciyada loo diiday iyo waliba qaar dambiyo ka galay dalkaan oo maxkamda ay horay ogu xukuntay in dib loogu celin doono dalkooda, ayaa sannadkii hore waxey ciidamada Bilayska ee magacooda loo soo gaabiyo ICE ay ka soo qabteen gobolada Mareykanka qaarkood oo Minnesota iyo Georgia ay ugu horeeyaan.

Qaar kamid ah ehelada dadkaas xiran oo ka tagay magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia, ayaa horaantii bishaan mudahaar ka sameyay albaabka hore ee xasbiga ay eheladoodu ku jiraan.

Cawil Falaag oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay mudaharaadkaas, ayaa Hiiraan Online u sheegay in Magaalada Atlanta ay ka tageen kadib markii lagu casuumay banaanbax ay soo qaban-qaabiyeen ururka garyaqaanada u doodo maxaabiistaas Soomaaliyeed iyo Jaamacada Florida.

Cawil oo u dhaq-dhaqaaqo arrimaha bulshada, ayaa intaas ku daray in 27-ka bishaan ay Maxkamada Miami dhageysan doonto dacwada maxaabiistaan kadibna ay go’aan rasmi ah ka gaari doonto.

Garyaqaanada u doodaayo dadka xiran, ayaa warbaahinta u sheegay in xadgudubyo ay kala kulmaan maxaabiista Soomaaliyeed xabsiyada ay ku jiraan ee Krome iyo Glades. Waxeyna ka codsadeen agaasimaha xafiiska ICE ee Miami in si deg-deg ah loo joojiyo dhibkaas isla markaasna baaritaan la sameeyo.

Dhanka kale Marc Moore oo ah agaasimaha xafiiska ICE ee magaalada Miami, ayaa beeniyay eedeymahaas, wuxuuna sheegay in si sharciga waafaqsan loola dhaqmo dadka xabsiyada ku jiro.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Atlanta, Georgia – Mareykanka