Puntland oo sheegtay in ay laheyd qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)
- Madaxweynaha dowlad gobolleedka
Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii todobaadkii hore
dowlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah
Imaaraadku ugu talagaleen ciidamada ku sugan deegaannada Puntland oo ay
tababaraan.
‘’Haa lacagtaa $3 Milyan iyo 600
oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay
safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan
Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamada’’
ayuu yiri Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay VOA.
Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in
ay Puntland isaga baxeen tababarayaashii Imaaaraadka isaga oo sheegay in ay
dhamaanba saraakiishii tababarayaasha Iskutaga Imaaaraadka Carabta joogaan
deegaannada Puntland.
‘’Dowladda Imaaaraadka waxaa ay
inoo sheegeen in aysan bixin oo ay wali ku sii sugnaan doonaan Puntland,
runtiina waxaa ay Puntland ka hayaan howlo aad u muhiim u ah, waxaa ay la
dagaalamaan Jiriifka, waxaa ay la dagaalamaan Tahriibka, waxaa ay la
dagaalamaan Al-shabaab iyo ISIS marka culeyska ay hayaan waad garan gartaan,
haddii ay baxaan waxaa dhacaya waxa aad u xun’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Wuxuu sheegay in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay
shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso
tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada
xeebta.
‘’Wax faa’iido ah uma laha
dowladda Soomaaliya bixitaan Imaaraadka waayo culeys weyn ayeey arintaa nagu
keeni doontaa, Imaaraadku waxaa ay inoo tababaraan ciidamada oo ay mishaarkooda
bixiyaan, waxaa ay gudaha ka fuliyaan mashaariic kala duwan oo ku kacaya
Malaayiin dollar oo dhamaantood faa’iido u leh Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiwali
Gaas.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka
muujiyay wada hadallo la sheegay in ay bilaawdeen labada dowladood, isaga oo
intaa ku daray in Puntland rajeyneyso in la dhameeyo khilaafka iyo xasarada
taagan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]