Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Deegaannada Nugaasha, Soolka iyo Xaysimo oo dhamaantood ka
tirsan Gobolka Sool ayaa roobab ka curteen iyadoo ku dhowaad shan
sano aan roob la sheegaa ka di'in.
Qaybo ka mid ah degmooyinka Xudun,
Taleex iyo Laas-caanood ayaa qaybo ka mid ah roobab lagu qabowsadey ay ka de'een
iyadoo degaanadaas intooda badan ay dad iyo duunyoba ay ka dalween.
"Roobab ayaa 24saac ee la
soo dhaafay ka da'ay qaybo ka mid ah degmada Xudun, Buuraleyda Xagrin,
Shiilamadow, Dhaban, illaa Awrboogays iyo degaano kale ayaa Roobab kala duwan
ka de'een, laakiin magaalada Xudun weli waa ooman yahay" sidaa waxaa HOL u
sheegay Maxamed Jaamac oo Xudun ku sugan.
Sidoo kale degmada Taleex oo ay
ku yaalaan dhul daaqsimeedka gobolka ugu muhiimsan ayaa qaybo ka mid ah
doogsadeen.
Maxamed Cali ayaa u sheegay HOL in
degaanka xalin iyo Dooxada Dhumay laga dareemayo doogsin waxan.
Dhulka dooxada Nugaal ee
dhambasha gobolka Sool ayaa dhul kooban roobku ka helay waxaana la
rajeynayaa in isbedel xaga rabbi laga rajaynayo sida ay dadka badankoodu
hadal hayaan.
Magaalada Laascaanood ayaa dhamaan
dhinacyadeedu deelan yihiin in kasta oo magaalada aanay weli helin hogol la
dheegaa.
Galbeedka degmada Laascaanood ilaa
Buuhoodle ayaa roobab laxaadleh ay ka da'ayeen iyadoo sanadkii la soo dhaafayna
Illaahay raxmaadkiisa ugu deeqay, taas oo sababtay in xooluhu ay ku
baxsadaan.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool.