4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Garyaaqanadii u doodayey Niciima Qorene oo xukunkii ku dhacay cadaalad daro ku tilmaamay

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Garyaqaanadii u doodayey Abwaanad Niciima Abwaan Qorene ayaa sheegay in xukuntaasi lagu xukumay uu sharciga baalmarsan yahay,isla markaana ay racfaan ka qaateen.

Mudadii dacwadu socotay waxa Naciima Qorene u doodayey saddex garyaqaan, waxaanay sheegeen in qoraal ay ku qoran yihiin tacadiyadii ay kala kulantay intii ay xidhnayd iyo intii la waraysanayeyba u gudbiyeen maxkamadda gobolka si ay wax uga qabtaan.

Garyaqaanadan waxay sheegeen in Naciima loo haysto fikirkeeda oo ay cabirtay,isla markaana eedihii xeer ilaalintu maxkamada keentay loo waayey cadeemo.

Garyaqaan Jamaal Xuseen oo ka mid ahaa looyarada u doodayey Niciima Qorena oo qaabkay maxkamaddu u xukuntay iyo dacwadeeda ka waramaya waxa uu yidhi “ Saaka waxa maxkamaddii gobolka Maroodi jeex ku dhawaaqday saddex sanno oo xadhig ah in lagu xukumo Naciima Qorene, waxa lagu soo eedeeyey laba qodob oo mid ay tahay Riyo ay qortay iyo mid kale oo ah in hay’adaha qaranka wax ka sheegtay, dhamaan eedihii maxkamadda la keenay wax cadeemo ah waa lagu waayey, aad baan uga xunahay saddex sano oo xadhig ah in lagu xukumo, waa cadaalad daro waa xukun siyaasi, labadii eedeed ee lagu soo eedeyey mid way laashay oo wuxuu ahaa tii Riyadda, eeda kalena waxay ahayd qof inuu aflagaadeeyo hay’adaha qaranka ee dastuurku jideeyey, wax ay arrintaasi ka tidhi may jirin, wax ay u dhintayna may jirin ee waxa kaliya ee ay ka hadashay waa buug ay ka qortay fadaraalka oo ay Muqdisho ku soo bandhigtay, Naciima kaliya waxa lagu haysta rayigeeda oo ay cabirtay, rayigana dastuurka u damaanad qaaday, qodobka lagu xukumayna waa qodobadii Siyaad Bare umada ku cabudhin jiray waana qodobadi kalitaliyaha dadka ku cabudhiyaan”,

Sidoo kale waxay garyaqaanada u doodaya sheegeen inay intii ay xidhnayd la kulantay jidh dil iyo hanbajaad oo maxkamada ay u gudbiyeen cabashadda eedeemaha ay Niciimi maxkamada ka hor cadaysay intii baadhitaanku ku jirtay iyo intii CID waraysanayey aytacadiyo kala kulantay.

Naciima Qorena ayaa muddo saddex bilood ku dhow ku jirtay xabsiga, iyadoo lagu soo eedeeyey inay wax ka sheegtay qaranimada Somaliland ka dib markii Barteeda baraha bulshada ku qortay waxyaalo ka dhan ah Jiritaanka Somaliland.waxaana ugu dambeyn lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah, wallow racfaan laga qaatay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.