4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Dhuusa-Mareeb

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer qaran ayaa ku howlanaa qabsoomida doorashada kursiga uu ka geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, waxaana ku tartamaya illaa saddex musharax.

Musharixiinta ku tartameysa kursiga ayaa kala ah Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horay kursigan ugu soo tartamay looga adkaady iyo C/llaahi Wehliye oo ah wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ergada dooraneysa kurisgan oo ah 51 xubnood ayaa dhawaan la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana la dejiyay mid ka mid ah xarumihii uu ku howl galayay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.

Doorashadan ayaa haddii dhacdo waxaa ay noqoneysaa kursigii 3aad ee ay qabtaan Guddiga doorashooyinka heer qaran, kuwaasoo horay ugu guuleystay doorashooyinka kuraastii banaanaa ee ka kala dhacay Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]