4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay mas’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada Booliska, iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Kulankan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka magaalada Muqdisho iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka mas'uuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageerida laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]