4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Diyaaradii Imaaraadka ee lagu xayiray Boosaaso oo la fasaxay

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) –Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in la fasaxay diyaaradii laga lahaa Isku-tagga Imaaraadka Carabta, madaama lagu xayiray garoonka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaaradan ay ka qaaday magaalada Boosaaso macalimiin tababaraysay ciidamada Badda ee maamulka Punland kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Khilaaf soo kala dhaxgalay saraakiishii la soctay diyaarada iyo Ilaalada garoonka ayaa sababtay in saacado diyaarada lagu xayiro halkaa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in tababarayaasha ay ugu dambeyntii oggolaadeen in la baaro boorsooyinka ay wateen ayna reebaan hub ay siteen.

Sidoo kale waxaa wararka ay sheegayaan in loo diiday markab sitey calanka Imaaraadka Carabta in uu hub ka qaado dekeda, waxaana socda wada hadalo arrintan lagu xalinayo.

Arrintan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii sidan oo kale todobaadkii hore dowladda Soomaaliya ku qabtay garoonka Aadan Cadde diyaarad laga lahaa Imaaraadka oo sida malaayiin dollar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]