4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Putin oo gardaro cad ku tilmaamay weerarka Suuriya

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si ba'an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

Warbixin laga baahiyey Telefishanka dawladda ayuu Putin "si adag ugu cambaareeyey" weerarkaas waxaanu yidhi duqaynta Suuriya waa "fal gardarro cad ah" waxaanu intaa ku daray in hubka kiimikada ah ee la sheegay in lagu weerary magaalada Duuma ee Suuriya todobaadkii hore, uu ahaa shirqool la maleegay oo looga gol lahaa in marmarsiiyo looga dhigto weerar lagu qaado Suuriya.

Ra'isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, oo haatan shir jaraa'id oo socda oo ay ka hadlaysa oo ay ku faahfaahinayso duqaynta reer Galbeedka ee Suuriya, ayaa tidhi cid aan ahayn dawladda Suuriya ma ay qaadin weerarka hubka kiimikada lagu sheegay ee lagu qaaday magaalada Duuma todobaadkii hore.

"Waanu og-nahay in maamulka Suuriya uu leeyahay caado xun oo ah inuu hubka kiimikada ah u adeegsado dadkiisa" ayey tidhi May, waxaanay hadalkeeda ku dartay oo sheegtay in taalabadaa laga qaaday dawladda Suuriya tahay mid "sharci iyo gar labadaba ah" laakiin aanay doonayn in ay xukuumadeedu faraha la gasho dagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya.

Xigashada Warkan BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]