3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Saudi Arabia

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u ambabaxay magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horrey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadad Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda carabta oo khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhaxeeya dalalkaas Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/14/2018 10:53 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in la fasaxay diyaaradii laga lahaa Isku-tagga Imaaraadka Carabta, madaama lagu xayiray garoonka.

4/14/2018 10:44 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa waxa maalmahan ka dhex jiray khilaaf u dhexeeya gudoomiyaha iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi.

4/14/2018 7:50 AM EST
Sabti, April,14,2018 (HOL)–Wasiirka Arrimaha dibada dowlada Federalka Soomaaliyae Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kula kulmay Dalka Boqortooyada Sacuudiga Xog-hayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd.

4/14/2018 7:00 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaa ku xayireen diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

4/14/2018 5:35 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si ba'an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

4/14/2018 3:44 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku sii jeedda dalka Sacuudiga Arabiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29 aad ee Ururka Jaamacada Carabta.

4/14/2018 2:58 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Maamulka gobolleedka Hirshabeelle ayaa is bedel maamul iyo mid amni oo lagu sameynayo maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, iyadoo shalay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle xilka looga qaaday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, laguna magacaabay Guddoomiye cusub.

4/14/2018 12:37 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

4/14/2018 12:31 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyay Qarixii ka dhacay Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

4/14/2018 12:17 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha dalka Suuriya.