4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Taliyayaal cusub oo loo magacaabay Nabad-sugida gobolka Hiiraan

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Maamulka gobolleedka Hirshabeelle ayaa is bedel maamul iyo mid amni oo lagu sameynayo maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, iyadoo shalay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle xilka looga qaaday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, laguna magacaabay Guddoomiye cusub.

Waxaa xilkii laga qaaday taliyihii nabad-sugida gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamed Abuukar Dhega-weyne, waxaana Taliyaha cusub loo magacaabay Cabdi Maxamed Cali.

Sidoo kale Taliyaha cusub ee Nabadsugida degmada Beled-Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Colaad C/llaahi Cismaan.

Is bedeladan ayaa dhacaya, xilli madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sugan yahay magaalada Beledweyne,, dhinaca kalana maalintii shalay lagu dhawaaqay guddoomiye cusub oo uu yeelanayo gobolka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]