Sabti, April, 14, 2018 (HOL) –
Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo
Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya
ay adeegsatay ka fuliyay gudaha dalka Suuriya.
Qarax
aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana sidoo
kale la arkay uuro iyo qaac ka baxaya halka uu weerarka ka dhacay.
Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay
weerarka, waxaana Trump uu intaa raaciyay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay
horay ugu diyaar garoobeen ficil ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo
hubka kiimikada ee la sheegay inay adeegsatay.
Trump
waxaa kale oo uu edeeyay dowladda Ruushka oo uu sheegay inay ku guuldareysatay
inay ka soo baxdo ballankii ay qaaday sannadkii 2013-ka, kaasi oo ahaa inay
burburiso hubka kiimikada ee Suuriya.
Ra’iisal
wasaaraha Britain Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in
weerarada ay ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya ay ahayeen kuwa qorsheysnaa oo
loogu talo galay in aysan sii hurinin xiisadda gobolka, waxaana ay intaa ku
dartay inay iska ilaaliyeen waxwalbo waxyeleyn kara dadka rayidka.
Sidoo
kale weerarka waxaa ka hadlay madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron oo
sheegay in weerarda ay ahaayeen kuwa looga hortagayo in dowladda madaxweyne
Bashar Al-Asad aysan adeegsanin hubka kiimikada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]