3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay dulleedka Kismaayo

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) - Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa Arbacadii ina dhaaftay duqeyn la beegsaday saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhaw deegaanka Jannaay Cabdalle.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday gaari miineysan oo xubno Shabaab ka tirsan ay saarnaayeen.

Mareykanka qoraalkiisa kuma aanu sheegin khasaare nafeed oo ururka Al-shabaab ay ku gaarsiiyeen Duqeyntan, balse wuxuu tilmaamay in uu burburiyay gaariga walxaha qarxa lagu soo raray.

 Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay duqeyntan oo dhacday 11-kii bishan April in ay iskaashi kala sameeyeen dowladda federaalka, kadibna ay fuliyeen.

Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/13/2018 1:42 PM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka.

4/13/2018 8:53 AM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL)–Inkastoo laga faraxashay khilaaf siyaasadeedkii ka dhashay mooshinkii laga keenay guddoomiyihii xilka iska casilay Prof Maxamed Cismaan Jawaari, mar kale baarlamaanka Soomaaliya ayaa wajahaya khilaaf ka abuurmaya qodob sharciyeedka ah cida u tartami karta xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

4/13/2018 4:29 AM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmihii ugu danbeeyayba sugnaa magaalada Beledweyne ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana xilka guddoomiyaha gobolka loo magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.

4/13/2018 3:31 AM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL)–Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel lagu sameeyay qorshaha amniga guud Magaalada Muqdisho.

4/13/2018 1:18 AM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL) –Dowladda Uganda ayaa qorsheyneysa in ay canshuur maalinle ah ka qaado dadka isticmaala baraha bulshada wixii loo gaaro July, si sare loogu qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija.

4/13/2018 12:58 AM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyay Qaraxii galinkii danbe ee shalay lala eegtay dhalinyaro kubad ku cayaareysa garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4/13/2018 12:44 AM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Dallada ay ku mideysan yihiin ururrada bulshada rayidka ee SOSCENSA ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya in muddo 15 cisho gudaheed lagu soo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii golaha Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

4/13/2018 12:28 AM EST
Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka soo goostay Al-shabaab si muuqata lacag loo guddoonsiiyo, kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed lacag dhan $ 15 Kun oo dollar guddoonsiiyay Maxamed Xassan Aadan Sandheere oo horay uga tirsanaa Al-shabaab.