4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo sheegtay in isbadal lagu sameeyay qorshaha sugida Amniga caasimada

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel lagu sameeyay qorshaha amniga guud Magaalada Muqdisho..

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa waxa uu sheegay isbedelka la sameeyay in uu yahay in la furay wadooyinkii xiran magaalada ciidamada xasilintana ay hada ku sugan yihiin Waddada Warshadaha ee Magaalada.

Ciidamada ammaanka ayuu faray in shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay u adeegaan shacabka, taas bedelkeeda ayuu shacaba ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

“Jidadkii xirnaa sida jidka Wadnaha waan furnay, ilaa jidka Warshadaha ayaan geynay, waan sikinay, shacabka waxaan uga mahad-celinaa dulqaadka ay inoo muujiyeen waxaan  ka dalbanayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan  ciidamada  ammaanka, sidoo kale ciidamada waxaan farayaa in ay u dhimriyaan shacabka” ayuu yiri wasiirka Amniga.

Labadii cisho ee la soo dhaafay gadiidleyda iyo bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho waxaa ay nafiseen ciriirigii badnaa ee ka jira magaalada kaddib markii inta badan leysku furay jidadka caasimada, meeshana laga saaray culeyskii badnaa oo ay kala kulmi jireen baaritaannada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]