Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Waa markii ugu horeysay oo
sarkaal ka soo goostay Al-shabaab si muuqata lacag loo guddoonsiiyo, kaddib
markii maamulka Koonfur Galbeed lacag dhan $ 15 Kun oo dollar guddoonsiiyay
Maxamed Xassan Aadan Sandheere oo horay uga tirsanaa Al-shabaab.
Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur
Galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa lacagtan lagu guddoonsiiyay sarkaalka ka soo
goostay Al-Shabaab, waxaana guddoonsiiyay Wasiirka Amniga Xassan Xuseen Maxamed
Xasan Eelaay.
Maxamed Sandheere oo ka
tirsanaa Saraakiisha Hoggaanka Gaadiidka ee Al-Shabaab ayaa Maamulka Koonfur
Galbeed isu soo dhiibay, xilli uu watay gaari nooca dagaalka, isla-markaana uu
ku xiran yahay qoriga dhashiikaha.
Sandheere ayaa
sheegay in muddo dheer uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab markii ugu dambeysayna
uu ka yimid dhinaca Gobolada Jubbooyinka.
Sandheere oo la
hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu Al-shabaab isaga baxay kaddib markii uu
arkay Shabaab oo xaqdaro ku leyneysa shacabka Muslimiinta ee Soomaaliyeed sida
uu hadalka u dhigay.
Maalmihii ugu
danbeeyayba waxaa sii kordhayay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku dhiibaya
maamulka Koonfur Galbeed.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]