Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) –Iyadoo maanta uu dib u dhacay ku yimid kulankii khudbad jeedinta guddoomiye Jawaari ee Golaha Shacabka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in maalinta berri ah la qaban doono fadhiga Golaha,
Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maalinta berri oo ku beegan 12ka bisha April guddoomiye Jawaari khudbadiisa sagootinta ka hor jeedin doono golaha Shacabka.
Prof Jawaari ayaa shirkii jaraa’id ee shalay wada jir u qabteen isaga madaxweynaha waxaa uu ka sheegay in maanta oo Arbaco ah uu hortagi doono fadhiga Golaha Shacabka, halkaa oo uu si rasmi ah uga dhawaaqi doono in xilka ka degay.
Laakiin kulanka oo maanta la filayay in uu qabsoomi ayaa dib u dhacay sababo aan la shaacin, inkastoo ay jireen warar sheegayay in guddoomiye Muudey in xildhibaannadii mooshinka markii horeba ka keenay Jawaari ka biyo diidanaayeen habka kulanka loo iclaamiyay.
Marka uu maalinta berri ah hortago Golaha Shacabka Prof Jawaari waxaa halkaa ku soo dhamaanaya muran siyaasadeed soo jiitamayay ku dhawaad bil kaa oo u dhaxeeyay golayaasha dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]