4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Faah faahin ka soo baxeysa dagaal culus oo ka soconaya qeybo ka mid ah degmada Wadajir

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka soconaya qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan dhulka safaaradii hore ee Mareykanka oo ka tirsan degmada Wadajir.

Wararka ay Hiiraan Online heleyso ayaa sheegaya in dagaalka oo ka dhashay guryo la sheegay in la bur burinayay, waxaana saakay ciidamo hubeesan oo wata gaadiidka dagaalka tageen xaafado kuyaala meel ku dhaw Siligga Ameerikaanka.

Ciidamada halkaa tagay ayaa durbaba bilaabay in ay bur buriyaan qeybo ka mid ah guryihii halkaa ku yaala taasoo keentay in iska horimaad culus ay kala hortagaan ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan dadka deegaanka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan oo mudo daqiiqado ah socday,  waxaana ciidamo katirsan dowlada ay wadaan bur burin ay ku sameenayaan dhulka la isku heesto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]