4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo booqday xero lagu tababaro ciidamada xoogga dalka


Sabti, September, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, isaga oo dhinaca kalana kulan qaatay saraakiisha tababarka ka bixiya dugsiga uu booqday.

Maamulka iyo Saraakiisha dugsiga tababarka ciidamada Jeneraal Goordan waxaa ay madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

“Waxaa lagu xantaa ciidamada xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah, xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada ciidamada xoogga dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]