4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Xildhibaanno ku eedeeyay xukuumada baaqashada fadhigii maanta ee baarlamaanka

 

Sabti, September, 09, 2017 (HOL) – Kulankii baarlamaanka ee maanta oo ahaa mid siweyn bulshada Soomaaliyeed isha uga wada hayeen lana filayay in looga dooddo go’aankii xukuumada Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF iyo ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul ugu eedeeyay xukuumada Soomaaliya in ay si ku talagalay u baajisay fadhigii maanta, kaddib markii sida ay hadalka u dhigeen ku qalqaalisay xildhibaannada qaarkood in aysan saxiixin buugga is diiwaangalinta.

Xildhibaan Canab Xassan Cilmi ayaa sheegtay in ay jireen xubno ka tirsan gollaha xukuumada oo jooga baarlamaanka islamarkaana xildhibaannada qaarkood u sheegay in ay tagaan fadhiga laakiin aysan saxiixin buugga is diiwaangalinta.

‘’Waxaan rabaan in aan umadda Soomaaliyeed la wadaagno maanta waxa dhacay oo ahaa fool xumo ah, shacabka meel kasta oo ay joogaan waxaa ay sugayeen in Baarlamanaka uu hadlo, ka doodo wixii dalka ka dhacay ee ah arrinta ay sameysay dowladda, maanta waxaa dhacday in jid walba loo fariistay in Baarlamaanka xaruntiisa la soo geli waayo, Xukuumaddana iyadaa dadka dhahayay ha saxiixina, markii xarunta la yimid”ayay yiri Xildhibaan Canab Xasan Cilmi

Waxaa ay sheegtay in marnaba arintan aan sidaa looga hari doonin, mar walba oo dib leysugu soo laabto fadhiga baarlamaankana laga doodi doono ilaa sida ay hadalka u dhigtay xukuumadu ka qirato qaladka ay gashay.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo isagana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka diideen in ay saxiixaan buugga is diiwaangalinta arintaa oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Laakiin dhinaca kale isla xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa difaacay sababta keentay baaqashada fadhigii maanta ee la filayo in uu baarlamaanku yeesho, iyaga oo taa ku micneeyay arin iska caadi ah oo inta badan la arko maalmaha ugu horeeya ee kalfadhiga baarlamaanku furmo.

Lama oga halka ay saldhigan doonto dooda ku saabsan go’aanka xukuumada ee la xiriira Ururka ONLF iyo u gacan-galintii Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse oo culeys siyaasadeed ku abuuray dowladda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]