4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Darawalka guddoomiye ku-xigeenka degmadda Dharkenley oo la dilay kaddib markii la weeraray gaari uu lahaa guddoomiyaha

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa weerar ku qaaday gaari uu leeyahay Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Dharkiinley. 

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Dabakaayo madow ee degmadda Dharkenley, sida goob-joogayaal ay u sheegeen Hiiraan Online.

Gudoomiye ku-xigeenka gaarigiisa la weeraray lama uusan socon gaariga, xilliga weerarka uu dhacaayay, wuxuuna ku sugnaa gurigiisa, balse waxaa weerarka ku geeryooday darawalka guddoomiye ku-xigeenka.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa la sheegay in ay wadatay gaari nooca NOAH-da ah, waxaana ay ka baxsadeen goobta weerarka kaddib.

Ciidamadda dowladda ayaa howlgallo ka sameeyay halkii weerarka uu ka dhacay balse uma suuragelin in ay helaan kooxdii weerarka geysatay, mana jiraan cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.

Weerarkan waxaa uu kusoo beegmayaa xili kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay xalay duleedka Magaalladda Muqdishu ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow Degaanka Sarkuus, ee dhaca duleedka caasimada. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia