4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Tartan kubadda cagta ah oo u dhexeeya kooxaha heerka 1-aad oo ka furmay Garbahaareey [SAWIRRO]


Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Tartankan oo ay ku loolami doonaan ilaa 16 kooxood oo kamid ah kooxaha heerka 1-aad ee degmadaasi ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka iyo xiriirka kubadda cagta degmadaasi oo kaashanaya wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland.

Gudoomiyaha Xiririka kubadda cagta Garbahaareey Mudane Salaad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in qabsoomidda tartanka ay ka taageereen maamulka degmada iyo  wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland, isagoo sheegay in tartamada noocan oo kale ah ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dhalinyarada.

Munaasbaddii furitaanka tartanka ayaa waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka degmada Garbahaareey Mudane Aadan Siraad Max’uud, isagoo sheegay in ujeedka tartanku yahay in lagu dhiirigelinayo nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

“Sidaad la socotaan Isboortigu waa astaanta nabadda iyo isdhexgalka bulshada, waxaan dooneeynaa in dhalinyaradu ka mashquulaan falalka xun xun oo ay u jiheystaan dhanka nabadda iyo horumarka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ee kasoo kabanaya dhibaatooyinkii ay dhaxalsiiyeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.