3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Faah-Faahin: Wiil timo-jara ah oo xalay lagu dilay Magaalladda Muqdishu

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Rag hubeysan ayaa xalay nawaaxiga xarunta Degmada Warta Nabadda, ku dilay wiil dhallinyara ah oo la sheegay in uu ahaa Timo-jare, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.

Laammaha ammaanka ee degmadda Warta-nabada, oo howlgallo sameeyay ayaan la oggeyn cidii ay kusoo qabteen.

Dilka wiilka dhillinyarada ah waxaa uu kusoo beegmayaa xili kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay xalay duleedka Magaalladda Muqdishu ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow Degaanka Sarkuus, ee dhaca duleedka caasimada.

Askariga la dilay, ayaa sida la sheegay waxaa uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Saldhig Galbeed, waxaana lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Maxamed.

Dhinaca kale Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, oo Khamiistii golaha Wasiirradda warbixin dhanka amniga ah siinayay ayaa sheegay in ammaanka dalka Soomaaliya uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaallo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalladda Muqdishu iyo gobollada dalka ay ka socdaan howgallo lagula dagaallamayo Al Shabaab iyo kooxaha kale.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
9/9/2017 12:39 PM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

9/9/2017 11:07 AM EST
Sabti, September,09, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar.

9/9/2017 9:57 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) – Kulankii baarlamaanka ee maanta oo ahaa mid siweyn bulshada Soomaaliyeed isha uga wada hayeen lana filayay in looga dooddo go’aankii xukuumada Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF iyo ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday.

9/9/2017 6:11 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa weerar ku qaaday gaari uu leeyahay Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Dharkiinley.

9/9/2017 6:07 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Tartankan oo ay ku loolami doonaan ilaa 16 kooxood oo kamid ah kooxaha heerka 1-aad ee degmadaasi ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka iyo xiriirka kubadda cagta degmadaasi oo kaashanaya wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland.

9/9/2017 5:46 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kulankii maanta ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Jawaari.

9/9/2017 2:34 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones, oo 32-jir ah, ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu taageero siiyay, kana mid ahaa dagaalyahannada Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

9/9/2017 1:49 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra'iisul-wasaaraha ka ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku-weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

9/9/2017 1:13 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Dowladda Qadar iyo xulafadda uu hoggaamiyo Sacuudiga, ayaa waxaa muddo dhowr bilood ah ka dhax-taagan xiisad diblomaasiyadeed, oo meeshii ugu sareysay gaartay.

9/9/2017 12:57 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kulanka maanta ee Baarlamaanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

9/9/2017 12:37 AM EST
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay duleedka Magaalladda Muqdishu ku dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Soomaaliya, sida dadka deegaanka ay sheegeen.