4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Cumar C/Rashiid “Xukuumaddii aan RW ka ahaa Ethiopia lama gelin heshiis la isku-weydaarsanayo Maxaabiis”

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra'iisul-wasaaraha ka ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku-weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

Md. Sharmaare ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbi-dhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.

“Heshiis waxaa u igman in ay gallaan Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda, sidoo kale ma jirin wasiiro xukuumadda ka tirsan oo magaca soomaaliya ku saxiixay in maxaabiis la is-weydaarsado, haddii ay jiri laheyd golaha wasiiradda ayaa la keeni lahaa, kaddibna Baarlamaanka ayaa loo gudbin lahaa, oo ansixin lahaa kaddibna madaxweynaha loo sii gudbiyaa si uu u saxiixo”.

“Intii aan Ra’iisul wasaaraha ahaa ma jirin meel aan annaga iyo Ethiopia ku kala saxiixanay in maxaabiis la is-weydaarsado. In Qalbi-Dhagax la dhiibo waxaa ay ila tahay mid aad u khaldan, haddii uu khalad galay waxaa ay aheyd in dalka gudihiisa maxkamad lagu saaro”, ayuu hadalkiisi sii raaciyay.

RW Sharmaare ayaa dhanka kale khalad weyn ku tilmaamay in Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo uu sheegay inuu yahay muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyo Ethiopia. 

Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo dowladda Soomaaliya qabatay, kaddibna ku eedeysay in xiriir uu la leeyahay kooxaha argagixisada ah kuna wareejisey Itoobiya.

Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in Qalbi-Dhagax uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ey khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah”.

Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu soo hadal qaaday warbixin ka soo baxday shirkii gollaha wasiirada Soomaaliya ayaa beeniyay in marnaba dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh iyo Itoobiya ka wada galleen heshiis la xiriira ONLF.

‘’Anaga markii aan tagnay Itoobiya saraakiisha Itoobiya waxaa ay inoo sheegeen in dadka xadka ka dagaalamaya yihiin wax ay ugu yeereen UBO iyo Al-shabaab, annaga waxaan u sheegnay in arintaa ay khalad tahay oo la doonayo in lagu marin habaabiyo dhibaatada dadka deegaanka loo geystay oo meeshaa ka dhacday, sidaa daraadeed waxaan ka wada hadalnay in leyska kaashado deegaankaas amnigiisa cid kasta oo ka tirsan labadaas qolo ee la sheegayna [UBO iyo Al-shabaab] meel looga soo wada jeesto ee ma aheyn arin quseysay ONLF iyo wax kale oo la mid ah’’ ayuu yiri Mahad Salaad.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia