4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Amiirka Qatar iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga oo ka wada-hadlay xiisadda Diblomaasiyadeed

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Dowladda Qadar iyo xulafadda uu hoggaamiyo Sacuudiga, ayaa waxaa muddo dhowr bilood ah ka dhax-taagan xiisad diblomaasiyadeed, oo meeshii ugu sareysay gaartay.

Marka laga soo tago in wasiiradda arrimaha dibadda ee wadamadaasi ay wada hadlaan, si rasmi ah uma jirin wada hadalo dhexmaray qaar kamid ah Amiirada wadamadaasi.

Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa baahisay in Amiirka dalka Qatar uu taleefanka kula xiriiray dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga si uu ugala hadlo dhibaatada soo foodsaartay xiriirkii ka dhaxeeyay labadooda dal taas oo qaadatay muddo dhowr bilood ah.

Wadahadalka telefoonka ku dhexmaray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u yeeshaan tan iyo markii xiisadda diblomaasiyadeed ay ka dhex billaabatay xukuumadaha Dooxa iyo Riyaadh.

Tallaabadan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo xiisadda taagnayd muddada saddexda bilood ah, iyadoo lagu soo warramayo in Amiirka Qatar uu ogolaaday in wadaxaajood uu ka galo dalabyada ay usoo jeediyeen xulafada Sacuudiga.

Dowladda Qadar, ayaa waxaa ay la kulantay cadaadis iyo cunaqabteen xooggan oo aysan arkin mudo aad u badan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia