4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2017
Baarlamaanka oo maanta si adag uga doodi doono go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax

 
Sabti, September, 09, 2017 (HOL) –Kulanka maanta ee Baarlamaanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Xildhibaannadda go'aanka xukuumadda, ku kala aragti ah ayaa kulamo is-arag ah, waxaa ay ku yeelanayeen magaalladda Muqdisho tan iyo markii uu soo baxay go'aanka. Abaabul ballaaran ayaa ka socday magaalladda, waxaana loo arkaa in aan hal meel loo wada socon.

Dhiifanaan iyo dareen xooggan, ayaa la muujinayaa waxaana kulanka maanta uu ka bedelanyahay fadhiyadii hore ee golaha shacabka uu yeelan jiray.

Xildhibaannada mucaaradsan go’aanka xukuumadda, ayaa u arka in la hareermaray golaha baarlamaanka, halka mudanayaasha kale ay taageersanyihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax.

Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo dowladda Soomaaliya qabatay, kaddibna ku eedeysay in xiriir uu la leeyahay kooxaha argagixisada ah kuna wareejisey Itoobiya.

Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in Qalbi-Dhagax uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia