Waaberi oo 3 Gool uga badisay degmada Hodan cayaar xiiso leh oo ku soo dhamaatay Koonis Stadium
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) – Waxaa
goor dhaw oo caawa ku soo dhamaatay garoonka Stadium Koonis degmada Cabdicasiis
ee magaalada Muqdisho tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo ay
isku arkeen labada degmo Waaberi iyo Hodan.
Wareegii hore ee cayaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 oo ay ku hogaamineysan degmada Waaberi.
Markii leysugu soo laabtay wareegii labaad kooxda kubadda Cagta Waaberi waxaa u
suuurtagashay in ay dhaliyaan Goolkii Saddexaad, balse degmada Hodan ayaa
daqiiqadihii ugu danbeeyay cayaarta la timid 1 Gool oo kaliya, waxaana ay guusha 3-1 ku raacday kooxda kubadda Cagta
degmada Waaberi.
Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxey soo reebtay degmada
Huriwaa halka Hodan ay ka soo adkaatay Kaaraan.
Cayaarta caawa waxaa xiiso gaar ah u sii yeelay in ku dhawaad muddo 30 sano
ah cayaar noocan oo kale ah xili habeen ah lagu qabto mid ka mid ah garoomada
Kubadda Cagta ugu faca-weyn dalka, marka laga soo tago garoomada yar yar ee
ganacsiga loo furtay ee ku yaala xaafaddaha magaalada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]