4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2017
Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Baydhabo

 

Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qof ismiidaamiye ah goor dhaw isku qarxiyay maqaaxi lagu magacaabo Barwaaqo.

Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qaraxa oo sida uu sheegay khasaarihiisa ilaa iyo hadda aan la ogeyn.

Wariye ku sugan magaalada Baydbabo ayaa dhinaca kale sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, madaama goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku sugnaayeen dadweyne aad u faro badan.

Jawiga goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid kacsan, waxaana jira buuq iyo jahwareer ka dhashay qaraxa.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]