4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2017
Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in ammaanka dalka uu aad u wanaagsanyahay

 
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, oo shalay golaha Wasiirradda warbixin dhanka amniga ah siinayay ayaa sheegay in ammaanka dalka Soomaaliya uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaallo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalladda Muqdishu iyo gobollada dalka ay ka socdaan howgallo lagula dagaallamayo Al Shabaab iyo kooxaha kale.

Ammaanka caasimadda Soomaaliya, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu ahaa mid kasoo haggaagaya sidii uu ahaan jiran, waxaana magaalladda wali ka socda howlgallada ay sameynayaan ciidamadda xasilinta caasimadda.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga oo isagan golaha warbixin siinayay ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka, marka ay baxaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo, ayaa dad badan ay ku bogaadiyeen sida ay isaga xilsaareyso bixinta mushaaraadka ciidanka dowladda, waxaana madaxda ay sheegeen in ciidanka ay heleen mushaaraadkooda tan iyo markii ay timid dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia