4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 8 , 2017
Diyaaradaha dagaalka Israel oo weeraray saldhig milatari oo ku yaalla gobolka Xama ee dalka Suriya

 
Jimco, September, 08, 2017 (HOL) –Wakaalladda Wararka ee dalka Suriya, ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee maamulka Israel ay weerareen saldhig milatari oo ku yaalla meel u dhaw tuulada Misyaaf ee gobolka Xama' ee galbeedka dalka Suuriya.

Dowladda uu hoggaamiyo Bashaar Asad, ayaa eedeyn kala duldhacday maamulka Yahuuda. 

Ciidanka Suuriya ayaa ku tilmaamay duqaynta Israel in ay tahay "isku day naf la caari ah oo looga dan leeyahay in niyadda loogu dhiso ururka argagixisada ah ee Daacish ee jabay".

Wararka ay tabinayaan warbaahinta Israel ayaa iyaguna sheegaya in weerarkaa lala beegsaday warshad kiimikaad oo halkaa ku taal.

Weerarkani wuxu ku soo beegmay iyadoo ciidanka Israel mudo toban maalmood ah waday dhoola tus milatari oo uu ugu diyaar garoobayo dagaal uu ku qaado kooxda Xisbullaah ee Lubnaan.

Maamulka Madaxweyne Bashaar, ayaa waxaa uu la kulmayaa cadaadis xooggan oo kaga imaanaya, dhammaan xulafadda Mareykanka.

Dalka Suriya ayaa tan iyo sandkii 2011, waxaa ka socda dagaallo xooggan, kuwaas oo dad badan ay ku geeryoodeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia