4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo Sabtida ka doodaya go’aanka xukuumada ee ONLF iyo Qalbi-Dhagax

 

Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa Kulan waxa ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay go’aamiyeen Ajandaha looga hadli doono Kulanka golaha Shacabka ee la filayo in uu maalinta Sabtida ah ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa kulanka ugu soo horeeya ee golaha Shacabka ee maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 9/9/2017 looga hadlo arrintii Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Sidoo kale ajandaha ayaa waxaa qeyb ka noqon doona in xukuumada laga talo galiyo hindiso Sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo ay horay u gudbiyeen xubnaha golaha shacabka si ay u maraan Akhrintooda Koowaad.

Go’aankii dowladda ka soo baxay ee ahaa in Kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa nin xiriir la’lahaa Al-Shabaab falal amnidaro ahna ka waday Muqdisho, ayaa waxaa sii kordhisay xiisadii markii horeba arintan ka taagneyd, waxaana ay hadda dowladda wajaheysaa su’aalo dhowr ah oo u baahan in ay ka jawaabo u hesho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]