Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya
khilaaf xoog leh oo ka dhashay Gabar dhowr cisho ka hor ciidamada dowladda ku
toogteen deegaan lagu magacaabo Mooragaabey oo ka tirsan gobolka Bakool.
Maxamed Cabdi Tool oo ah guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa
sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen kaddib ku ogaadeen in si qalad ah
loo dilay Faadumo Cabdullaahi Barre oo aheyd Hooyada ilmo 7 bilood jir ah.
‘’Muddo saddex habeen laga joogo ayeey ciidamadu howlgal u
aadeen deegaanka Mooragaabey, waxaa ay halkaa ka soo qabteen labo gabdhood oo
mid ka mid ah sidatay Ilmo yar, markii ay ku dhawaad 3km deegaanka kala soo
fogaadeen in ayeey toogteen gabadhii Ilmaha yar sidatay’’ ayuu yiri gudoomiyaha
gobolka Bakool.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in taliyaha ciidamada guutada 8aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed uu
amray dilka gabadhan.
Laakiin Col Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Tima-Cadde ayaa iska fogeeyay eedeynta guddoomiyaha isaga oo dhinaca kalana
qiray dilka marxuumada.
Taliyaha ayaa ku tilmaamay gabadha la dilay xubin ka
tirsaneyd Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in marar badan dagaalo dhaxmaray
ciidamada dowladda iyo Al-shabaab raashin iyo caano u geysay xoogagga
Al-shabaab.
‘’Gabadhaas Basaas ayeey aheyd, waxaa ay ka tirsaneyd
Al-shabaab oo ay caawin jirtay, ciidamada howlgal ay sameeyeen ayeey ku qabteen
weyna dileen’’ ayuu yiri taliyaha.
Wali arintan kama aysan hadlin mas’uuliyiinta maamuka
Koonfur galbeed oo ay iyagu ka arimiya deegaannada toogashadan ka dhacday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]