3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo oo sheegay in uu isu soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Shabaab
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) - Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa iska dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo.

Taliyaha ururka 49-aad ee ciidamada xoogga dalka qeybta gobolka Gedo, Faarax Max'ed Turbac ayaa shabakadda HOL u sheegay in uu isu soo dhiibay sarkaal lagu magacaabo C/casiis Xasan Haybe, oo ay Al-shabaab ugu yeeri jireen Bishaar, kaa oo uu sheegay in uu kooxda u qaabilsanaan jiray abaabulka qaraxyada.

"Sarkaalka isa soo dhiibay waxa uu xiriir lasoo sameeyay saraakiisha ciidamada xoogga dalka, si wanaagsan ayaan usuu dhaweeynay, wuxuu noo sheegay in uu kooxdaasi isaga soo baxay kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada u dagaalama," ayuu sarkaalku hadalkiisii raaciyay.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in sarkaalka isa soo dhiibay uu kamid ahaa jabhado ka tirsan Al-shabaab oo ka dagaalami jiray aagga magaalada Baraawe.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin sarkaalkan ay ciidamada xoogga dalka qeybta gobolka Gedo sheegeen in uu isu soo dhiibay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.















Click here
9/7/2017 3:03 PM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa Kulan waxa ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay go’aamiyeen Ajandaha looga hadli doono Kulanka golaha Shacabka ee la filayo in uu maalinta Sabtida ah ka dhaco Magaalada Muqdisho.

9/7/2017 10:39 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Afhayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Xassan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA ayaa si kulul u weeraray go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF ee ahaa in Ururkaasi yahay mid Argagixiso.

9/7/2017 7:03 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay Gabar dhowr cisho ka hor ciidamada dowladda ku toogteen deegaan lagu magacaabo Mooragaabey oo ka tirsan gobolka Bakool.

9/7/2017 6:13 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL)-Wasiirka wasaarada warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u eegis ku sameyn doonto heshiisyadii ay horay u gashay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh.

9/7/2017 5:53 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL)-Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa soo kordhisay sanadkan kuliyad cusub oo lagu baranayo cilmiga Dawooyinka taasoo si rasmi ah uga mid noqotay kuliyadaha ay horey laheyd Jaamacadda, iyadoo kuliyaddan ay tahay tii ugu horeysay nooceeda ee abid laga hirgeliyo Soomaalia.

9/7/2017 4:11 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Nin hubeysan ayaa maanta guri ku yaalla agagaarka isgoyska Korontada ee degmadda Wadajir ee Magaalladda Muqdishu, ku dhaawacay laba gabdhood oo mid kamid ah la sheegay in ay Uur-laheyd, sida goob-jooyagaal ay sheegeen.

9/7/2017 3:25 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –In ka badan 2.4 milyan oo carruur ah oo ku nool dalka Soomaaliya ayaa si ba'an ugu baahan biyo-nadiif ah oo ay cabaan. Noloshooda ayaana ku tiirsan. Biyaha waa xuquuq ee ma ahan mudnaan.

9/7/2017 2:45 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Dadka ku nool deegaanka Lamu ee dalka Kenya, ayaa waxaa lasoo deristay cabsi xooggan, kaddib markii Al-Shabaab Arbacadii lasoo dhaafay deegaanka Lamu ay ku gowraceen Afar qof.

9/7/2017 2:15 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ku kufsaday Haweenay Uur leh, kaddibna dilay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

9/7/2017 1:52 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo xooggan ka wada xaafaddo kamid ah degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

9/7/2017 1:24 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax uusan wax xiriir ah la laheyn Al Shabaab, sidda ay haddalka u dhigeen.

9/7/2017 1:07 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhammaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhammaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha.

9/7/2017 12:56 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha dalka Tunisia Youssef Chahed, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida xukuumadda ay sheegtay.