Kuliyad cusub oo lagu baranayo Cilmiga Dawooyinka oo lagu soo kordhiyay Jaamacada Benaadir
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) -- Jaamacadda Benaadir ee
magaalada Muqdisho ayaa soo kordhisay sanadkan kuliyad cusub oo lagu baranayo
cilmiga Dawooyinka taasoo si rasmi ah uga mid noqotay kuliyadaha ay horey
laheyd Jaamacadda, iyadoo kuliyaddan ay tahay tii ugu horeysay nooceeda ee abid
laga hirgeliyo Soomaalia.
Seminaar ku saabsanaa aqoonta ay xambaarsan tahay kuliyadan cusub ayaa gelinkii
dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta qeybta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda
Benaadir ee magaalada Muqdisho (Postgraduate Center) waxaana ka qeyb galay
masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda, arday wax ka barata Jaamacada iyo kuwa
sanadkan ku biiraya iyo weliba aqoonyahanno kale.
Hormuudka Kuliyadda cusub ee cilmiga dawooyinka Jaamacadda Benaadir Prof.
Maxamed Yusuf Axmed oo bixinayey seminarkan ayaa si qoto dheer uga waramay
kuliyaddan cusub iyo maadooyinka laga baran doono, wuxuuna xusay in Soomaalidu
ay farmashiga u taqaano meel laga iibsado dawooyinka balse cilmi ahaan uu
intaas ka mug iyo baaxad weyn yahay.
“Kuliyaddan barashada cilmiga dawooyinka waxay ka mid tahay qeybaha ugu
muhiimsan ee bahda Caafimaadka, waana kuliyadii soo saareysay kaadiriintii
aqoonta u lahaa shuruucda dawooyinka, noocyadeeda kala duwan, habka loo
sameeyo, qaabka loo keydiyo, hubinta tayadeeda iyo habka wax loogu daweeyo
intaba, dhaqtartku wuxuu isku taxluujiyaa inuu ogaado xanuunada haya
bukaankiisa balse wuxuu u baahan yahay qof dawooyinka yaqaana si uu bukaankiisa
u daweeyo, waana labo aan kala maarmin oo iskaabaya” ayuu yiri Dr. Maxamed
Yuusuf.
Waxaa uu intaa ku daray in dawooyinka ay ka sameysan yihiin kiimikooyin kala
duwan, ayna yihiin sida sakiin labo af leh oo kale, wuxuuna xusay in haddii uu
qofku u isticmaalo sidii loogu talo ay leeyihiin waxtar balse haddii si qaldan loo isticmaalo ay ka
dhalan karto dhibaato caafimaad iyo waxyeelo badan, sidaas awgeedna uusan iibin
Karin qof aan aqoon buuxda u laheyn, wuxuuna xusay in shahaadada koowaad ee
Bachelorka ay kuliyaddan ku bixin doonto muddo afar sano ah.
Dhaqtarka ayaa sidoo kale sharaxaad dheer ka bixiyey sida looga faaiideysan karo
cilmiga dawooyinka, waxaana uu si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ku saabsan
mowduucan oo ay weydiiyeen ardayda seminaarkan loo qabtay.
Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Professor Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo
gebagebadii seminaarkan ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Dr. Maxamed Yuusuf
casharka qiimaha badan ee uu ka bixiyey seminaarkan, waxaana uu dhinaca kale ka
waramay baahida loo qabay kuliyaddan iyo faaiidooyinka laga dhaxli karo
barashada culuunta dawooyinka.
“Dedaal iyo juhdi fara badan oo muddo dheer soo socday socday kaddib, waxaan ku guuleysanay inaan sanadkan aasaaska u dhigno kuliyadda
barashada Cilmiga dawooyinka oo dalka aan horey uga jirin” ayuu yiri
gudoomiyaha Jaamacada Benaadir.
Waxaa uu sheegay Dr. Dalmar in aasaasida kuliyaddan ay timid kaddib markii
jaamacaddu ay aragtay dhibaatooyinka baaxada leh shacabkeena ka heysta
dawooyinka sida qaldan loo isticmaalo taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aysan
jirin dadkii aqoonta u lahaa.
“Dadka maalin kasta nooga dhinta qaraxyada, dagaalada, abaaraha iyo
musiibooyinka kale warbaahinta ayaa laga sheegaa, laakiin waxaa ka badan inta
nooga dhimata qaladaad ka dhashay dawooyin ay isticmaaleen oo aan warbaahinta
laga sheegin” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaa ku daray in kuliyadan barashada
dawooyinka ay noqoneyso kuliyadii 12aad ee jaamacada Benaadir, ayna hoos tegi
doonto kuliyada culuunta Caafimaadka (health Science).
Waxaa kaloo uu intaa ku daray Gudoomiyuhu in aqoonyahada barta culuunta
dawooyinka ay yihiin hadda kuwa ugu fursadaha fiican, marka loo eego culuunta
kale ee Caafimaadka, maadaama buu yiri aysan dalka horey u joogin aqoonyahano
illaa heer Jaamacadeed bartay culuunta dawooyinka, wuxuuna xusay in ay jiraan
ganacsato Soomaaliyeed oo ku fekeraya iney maalgeshi ku sameeyaan warshado soo
saara dawooyinka balse ay arintaas ku adkaatay ka dib markii ay dalka ka
waayeen aqoonyahano ku taqasusay dawooyinka iyo habka loo sameeyo.