4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Laba gabdhood oo lagu dhaawacay Magaalladda Muqdisho kaddib markii nin hubeysan uu guriga ugu galay

 
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Nin hubeysan ayaa maanta guri ku yaalla agagaarka isgoyska Korontada ee degmadda Wadajir ee Magaalladda Muqdishu, ku dhaawacay laba gabdhood oo mid kamid ah la sheegay in ay Uur-laheyd, sida goob-jooyagaal ay sheegeen.

“Ninka hubeysan ayaa waxaa uu watay Bastoolad iyo gaari, kaddibna waxaa uu gar-garaacay guriga, waxaana albaabka ka furtay gabar-yar, waxaana uu ku bilaabay rasaas, halkaasi ayeyna ku dhaawacantay. Intaasi kaddib gudaha ayuu u galay guriga, waxaana uu dhaawacay gabar kale oo guriga ku jirtay”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay qof deegaanka kamid ah.

Dhinaca kale maamulka degmadda Wadajir, ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii dilka geystay, waxaana hadda lagu soo warramayaa in uu ku xiranyahay degmadda.

Warar ay heshay Hiiraan Online, ayaa sheegaya in falka uu ninkaasi geystay ay la xiriirto arrimo ku saabsan qoys.

Labada gabdhood ee la  dhaawacay ayaa hadda waxaa lagu dabiibayaa xaruumo caafimaad oo ku yaalla magaalladda.

Maamulka degmadda Wadajir ayaa lagu waddaa in dhawaan uu faahfaahin ka bixiyo weerarka ka dhacay agagaarka isgoyska Korontada ee degmadda Wadajir ee Magaalladda Muqdishu.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia