4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Dadka ku nool deegaanka Lamu oo cabsi ku joog-noqday kaddib markii Al-Shabaab ay afar qof gowraceen

 
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Dadka ku nool deegaanka Lamu ee dalka Kenya, ayaa waxaa lasoo deristay cabsi xooggan, kaddib markii Al-Shabaab Arbacadii lasoo dhaafay deegaanka Lamu ay ku gowraceen Afar qof.

Guddoomiyaha county-ga Lamu Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay deegaanka Silini-Mashambani, halkaas oo saddex ka mid ah lagu dilay. Qofka soo haray ayaa guddoomiyuhu sheegay in lagu dilay tuulada Bobo.

Falkan waxa sheegtay ururka Al-Shabab. Afhayeenka ururka ee dhinaca hawgalka military, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ururku uu falkan ka dambeeyey, isaga oo tirada dhimashadana ka dhigay 5 qof.

Wararkan oo ay qoreen wargeyska The Washington Post iyo wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in isla deegaankan, bil ka hor, lagu gowracay 12 qof.

Guddoomiye Kitiyo ayaa sheegay in 30 qof oo aad u hubeysani ay guri guri u galayeen iyaga oo dadka ay raadinayaan magacyadooda ku dhawaaqaya, kaddibna ay la soo baxeen ayna gowaracay.

Dhacdadan ayaa kusoo begmeysa xili dalka Kenya uu isku diyaarinayo in bisha soosocota ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Ammaanka meelo kamid ah deegaanka Lamu, ayaa maanta aad loo adkeeyay walow ay jiraan cabsi ay qabaan dadka ku nool deegaanka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia