4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2017
Koox hubeysan oo Magaalladda Marka ku kufsaday kaddibna ku dilay Haweeney Uur-leh

 
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ku kufsaday Haweenay Uur leh, kaddibna dilay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Haweeneyda, oo aan wali la helin magaceeda ayaa waxaa da’deeda lagu qiyaasay 25-jir, waxaana kooxdii kufsatay kaddibna dishay ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalladda.

Magaalladda Marka oo ah meel kala qeybsan, ayaa ay adagtay sida lagu oggaan karo cida falkaasi foosha xun ka dambeysay. Dhinaca kale ilaa iyo hadda ma jiraan dhaq-dhaqaaqyo lagu baadigoobayo kooxdii falkaasi ka dambeysay, sida mid kamid ah dadka deegaanka uu Hiiraan Online u sheegay.

Bilowgii bishan Sep. Dagaallo qaraar ayaa ka dhacay magaalladda Marka ee gobolka Shabeellada Hoose. Dagaalladan oo la sheegay inay ku salaysan yihiin colaad qabaa’il ayaa gaystay khasaare nafeed.

Dagaalladan ayaa qeyb ka ah dagaal beeleedyo marar badan kusoo noqnoqday magaalladda.

Dhinaca kale Bishii April ee sanadkii 2016 tuulada Dudumo ee ka tirsan degmada Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagu diley 6 carruur ah iyo Ayeeyadood.

Dilkan waxaa geystey dabley colaad kala dhexeysey beesha ay ka dhasheen carruurtan. Arrintan ayaa noqotey mid si weyn loola yaabey kaddib markii carruurta la geliyey dagaallada beelaha iyo aargoosiga.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadam Cali ayaa xaqiijiyey dilkan, waxaana uu ku tilmaamey dil aan horey uga dhicin oo aad u fool-xun, Guddoomiyaha ayaa sheegay in marar badan oo la isku dayey in labada beelood heshiis la dhex-dhigo lagu guuldaraystey.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia