4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Ciidamada dowladda oo maanta howlgallo ka wadda degmadda Afgooye kaddib Qarax shalay ka dhacay

 
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo xooggan ka wada xaafaddo kamid ah degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii shalay uu Qarax ka dhacay degmadaasi, sida laammaha ammaanka ee degmadaasi ay sheegeen.

Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka dadweynaha, waxaana xaafadda qaar la sheegayaa in ciidamada ay qab-qabteen rag u badan dhallinyaro.

"Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa uu ahaa mid ballaaran, waxaana ay xir-xireen dhallinyaro. Maanta degmadda Afgooye howlgal ballaaran ayey ciidanka ka waddaan", sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid kamid ah darawalada ka shaqeeyay inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye. 

Shalay gelinkii dambe ciidamo ku sugnaa nawaaxiga Buundada Afgooye, ayaa waxaa lala eegtay Miino lagu aasay dhulka. 

Degmadda Afgooye, ayaa waxaa dhowr jeer weerar ka geystay Al Shabaab. Maamulka degmadda ayaa dhinaca kal wada dhaq-dhaqaaqyo lagu darsayo ammaanka.

Howlgalka wixii kusoo kordha waan idin soo gudbineynaa…

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia