4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Ra’iisul wasaaraha dalka Tunisia oo isku-shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiiradda

 
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha dalka Tunisia Youssef Chahed, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida xukuumadda ay sheegtay.

13-wasiir ayuu xilka ka qaaday kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, difaaca iyo dhaqaallaha, waxaana uu magacaabay wasiiro kale.

Siyaasi kamid ah xisbiga Ennahda, ayuu u magacaabay lataliyihiisa dhinaca dhaqaallaha, taas oo dad badan ay u arkaan mid soo jiidasho leh.

Dalka Tunisaia, ayaa waxaa ka taagaan dhibaatooyin xooggan, tan iyo markii la ceyriyay madaxweynihii hore ee dalkaasi Zine Ben Ali, kaddib markii dadka ku noolaa dalkaasi ay ku keceen.

Dadka ku nool dalkaasi ayaa dhowr jeer sameeyay bananbaxyo ay dowladda kaga soo horjeedaan, waxaana ay ashtako ka ahaayeen shaqo la’aan baahsan oo waddanka ka jirta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia