4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2017
Nabadoon lagu dilay degmada Afgooye

 

Sabti, September, 02, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan ku toogteen nabdoon lagu magacaabi jiray Nuuradiin Cabdullaahi Aweys.

Dableyda hubaysan ee toogtay nabadoonka, ayaa meesha ka baxsaday markii ay toogteen nabadoonka illaa haddana lama oga sababtii ka dambeysay dilka nabadoonka.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta gudaha waxaa ay u sheegeen in ciidamada dowladda ay tageen goobta dilka uu ka dhacay xilli dambe, mana aysan sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Dilalka lagu beegsado nabadoonada iyo waxgaradka ayaa waayadii ugu danbeeyay ku badnaa gobollada dalka iyo caasimada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]