Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sheegay in lalaayay boqolaal Soomaali ah
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) Wasiirka u hadlay
dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in boqolaal Soomaali ah lagu
lalayay sida uu hadalka u dhigay xuduuda u dhexeysa Ismaamulka Soomaalida
Itoobiya iyo Oromada.
Wasiirka dhalinyada Maxamed Bille 'Miig' oo u waramay
BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo aad u badan lagu laayay
deegaanada xuduudaha ee ay wadaagaan maamulada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya,
wuxuuna falkaas ku eedeeyey ciidamada maamulka Oromiya.
"Dhimasho aad
u farobadan ayaa jirta, boqolaal ayeey gaarayaan dadka dhintay, hanti badana
waa ay ku burburtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad
badan ayaa ku naf waayay" ayuu yiri wasiir Maxamed Bille.
Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Oromiya ay mar
walba weerar ka soo qaadayaan sida uu hadalka u dhigay deegaannada ay xuduuda
kala wadaagaan.
‘’ Waxaa mar kasta weerarada soo qaadaya waa ciidamada
booliiska Oromiya, meelaha aan xuduudaha ka leenahay shacabka degan ayay kusoo
qaadaan, iyada oo dadka shacabka ee Soomaalida ah ee halkaas degen ay yihiin
dad nabadgelyada jecel, waxayna soo weeraraan iyaga oo qaabaysan oo nidaam
dowlad ku socda, dad badan ayaana ku naf waayay, dad kalana waa la
barokiciyay" ayuu yiri wasiirka.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya
xili tiro ka badan 30 ruux la sheegayin lagu dilay deegaanka Hawaday ee qaadka
laga beero ee u dhow magaalada Harar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]