4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Mareykanka ayaa sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dawladda Soomaaliya, weerar cirka oo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah dalka ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Taliska Mareykanka ee Africom ayaa war saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay saacadda Somalia markii ay ahayd qiyaastii 2:15 salaadda subax ka hor, weerar ay qaadeen diyaarada dagaalka Mareykanka lagu diay 6 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Howlgalka ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in uu ka dhacay meel 260 km koonfur ka xigta magaalada caasimadda ah. Warka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tallaabadan u qaaday, isaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanku, bishii March ee sanadkan 2017ka, amarkaas oo ciidanka Maraykanka u ogolaanaya inuu tallaabooyin ad-adag ka qaado ururka Alshabab ee ku sugan goobo gaar ah, iyada oo arrintaas lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doonou adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Maraykanka, una curyaamiyaan argagixisada, iyada oo arrintaas loo marayo la shaqeynta ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM iyo ciidanka qaranka Somalia si loo wiiqo awoodda argigixisada ee Soomaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]