Arbaco, September 13, 2017 (HOL) – In ka badan toban qof oo Soomaali
ah ayaa lagu dilay magaalooyinka qoomiyadda Oromadda, gaar ahaan magaaladda
Hawaday oo ah magaalooyinka Jaadka laga soo raro ee dalka Itoobiya.
Soomaalidan la dilay ayaa u badan
dad ganacsato iskugu jiray kuwo Jaadka ka ganacsada iyo kuwo xoolaha ka
ganacsada kuwaas oo qaarkood ku noolaayeen deegaanadda Qoomiyadda
Oromadda.
Illaa hadda si rasmiya looma
sheegin sababta soomaaliddan loo laayey, hasse ahaatee dadka qaar waxay ku
tilmaameen khilaaf deegaan oo u dhexeeya Soomaalidda iyo qoomiyadda Oromadda,
kuwaas oo keentay in soomaaliddii ka dhex shaqaysanayey ay laayaan.
Dhinaca kale, magaalooyinka
Somaliland ayaa saakay laga dareemay qaad la’aan soo waajahday ka dib markii
soomaalidii u joogtay deegaanadii Qaadka laga soo qaadayey la laayay,isla
markaana Oromadii jaadka beeraysay ku kacday soomaalidda, taas ayaa keentay in
wax jaad ah laga keeno Itoobiya.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland