3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maanta khudbado ka dhageysanaya ilaa Afar musharax

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha cusub ee dowlad-Gobolleedka Hirshabeelle, ayaa maanta Baarlamaanka waxaa ay ka horjeedinayaan khudbadaha ku saabsan waxqabadkooda.

Musharixiinta waxaa ay tira ahaan gaarayaan ilaa siddeed, kuwaas oo kala ah Cabdikarim Cali Nuur, Cabdinasir Shirwac Maxamed, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Caruush,  Cabdiraxmaan Xuseen Cadow iyo Yusuf Hagar Daba-geed.

Maanta oo Arbaca ah waxaa lagu waddaa in ilaa Afar musharax ay soo bandhigaan Khudbadahooda ku saabsan Taariikhdooda iyo qorshahooda waxqabad. Dhinaca kale guud ahaan abaabulka ololaha ay wadaan musharraxiinta ayaa si weyn looga dareemayay Magaallooyinka Muqdishu iyo Jowhar.

16-ka bishan oo ku beegan maalinta sabtida, ayaa lagu wadaa in Magaalladda Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabad gelinkii dambe ee shalay xarunta guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabelle, ka dhacay ayaa musharixiinta lagu gudoonsiiyay shahaadooyin musharaxnimo, waxaana guddiga uu sheegay in masharixiinta ay dhameystireen dhammaan shuruudaha.

Guud ahaan ammaanka magaalladda ayaa si weyn maanta loo adkeeyay, waxaana Jowhar, dhawannadii lasoo dhaafay ku qul-qulayay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Dhammaan siyaasiyiinta Soomaalidda iyo kuwa gobolka ayaa isha ku haya doorashada 16-ka bishan ka dhici doonta Jowhar.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
9/13/2017 10:37 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Mareykanka ayaa sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dawladda Soomaaliya, weerar cirka oo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah dalka ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

9/13/2017 9:05 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii maanta dood adag ka yeeshay go’aanka xukuumada ee ka dhanka ahaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa siweyn ugu kala qeybsamay arintan iyo tallaabada ay qaaday xukuumada.

9/13/2017 7:04 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay wasiiru-dowlihii xiriirka gollayaasha dowlad gobolleedka Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaaji Gurxan.

9/13/2017 6:41 AM EST
Arbaco, September 13, 2017 (HOL) – In ka badan toban qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalooyinka qoomiyadda Oromadda, gaar ahaan magaaladda Hawaday oo ah magaalooyinka Jaadka laga soo raro ee dalka Itoobiya.

9/13/2017 5:08 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) – Maamulka Sare ee Jaamacada Hiiraan University ayaa sheegay in laga soo bilaabo bishii November sanadkii 2011ka xaruntii Jaamacada Hiiraan University saldhig military u tahay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka midowga Africa AMISOM.

9/13/2017 3:18 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) -- Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo dhaawac culus ka soo gaaray qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo Axadii todobaadkan ka dhacay magaalada Beledweyne.

9/13/2017 2:29 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Dabley hubeysan ayaa xalay degmadda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen haweeney la sheegay in ay aheyd ganacsato.

9/13/2017 2:11 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan, ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Magaallada Baydhabo, ay ka socdeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

9/13/2017 1:46 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Danjiraha dawladda Denmark u fadhiya dalka Soomaaliya Mss Mette Knudsen, ayaa sheegtay amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey dalka Soomaaliya.

9/13/2017 1:10 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah, waxaa kulan ajandiyaashiisu ay kamid yihiin arrinta Qalbi-dhagax, ay ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee Magaalladda Muqdishu.

9/13/2017 12:55 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shalay magaalladda Baydhabo kusoo dhoweeyay Safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya David Concar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo.

9/13/2017 12:35 AM EST
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Ra'iisul wasaaraha dalka Bangladesh ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay cadaadiyaan xukuumadda Myanmar, si ay u oggolaato soo noqoshada boqollaal-ka kun ee ah qaxooti -gga Rohingya, kuwaas oo dalkaasi kasoo cararay dhawaan.