4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Faah-Faahin: Haweeney ganacsato aheyd oo lagu dilay Magaalladda Muqdishu

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Dabley hubeysan ayaa xalay degmadda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen haweeney la sheegay in ay aheyd ganacsato.

Alle ha u Naxariistee marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dahabo Xuseen, waxaana ay ka ganacsan jirtay iibinta Dhuxusha, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dilka marxuumada waxaa uu ka dhacay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid gaar ahaan dhanka Siliga.

Haweeneyda la dilaya ayaa waxaa ay noqoneysaa qofkii labaad oo dumar ah oo todobadkan lagu dilay Magaalladda Muqdishu. Waxaana Axadii lasoo dhaafay saddex nin oo Bistoolada ku hubeysan ay Suuqa Bakaaraha ku dilay qof dumar ah, iyagoona dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada labadii weerar ee lagu dilay haweenka, mana jiraan cid loo soo qab-qabtay dilka. 

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Nuura Aadan Guutaale, waxaana xiligii la dilayay la socday saygeeda, kaas oo aan isaga la beegsan, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia