4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale looga hadli doono arrinta Qalbi-Dhagax

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah, waxaa kulan ajandiyaashiisu ay kamid yihiin arrinta Qalbi-dhagax, ay ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee Magaalladda Muqdishu.

C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF, ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay dhawaan ugacan-gelisay dowladda Ethiopia, waxaana arrintaasi ka dhalatay guux-siyaasadeed oo xooggan oo xildhibaannada ay ku kala qeyb-sameen.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanada loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in uu jiro kulan, kaasi oo qodobada looga hadlayo ay ka mid yihiin arrinta Qalbi Dhagax.

Kulankii sabtidii lasoo dhaafay ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, oo looga hadli lahaa kiiska Qalbi-Dhagax ayaa u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannadii ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka.

Kulankii sabtida waxaa soo xaadirtay 104 xildhibaan, waxaana jiray xildhibaanno yimid kulanka balse diiday in magacyadooda ay ku qoraan warqadda-xaadirinta xildhibaannada, taas oo ka dhigneyd in aysan raali ka aheyd joogitaanka fadhigii baarlamaanka ee maanta.

Dhiifanaan iyo dareen xooggan, ayaa la muujinayaa waxaana xildhibaannada ay yihiin kuwo ku kala qeybsan go'aankii xukuumadda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia