4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo Berri mar kale u ballansan Kiiska Qalbi Dhagax

 

Talaado, September, 12, 2017 (HOL) – Iyadoo maalintii Sabtidii todobaadkan uu baaqday kulan la filayay in looga dooddo arinta ama Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayeey mar kale guddiga joogtada ah ee baarlamaanka go’imiyeen in kulanka maalinta Berri ah dhacaya looga dooddi doono go’aanka xukuumada ay ka qaadatay dhiibistii Qalbi-Dhagax.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanada loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in uu jiro kulan, kaasi oo qodobada looga hadlayo ay ka mid yihiin arrinta Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dib u dhigay ka hadalka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax, kadib markii Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in Ajandaha laga saaro kulanka, halka Xildhibaanada qaarna ay ku adkeysteen in aanan laga saarin Ajandaha kulanka, taasi oo dhalisay buuq ka dhex dhashay xarunta Aqalka Sare ee dalka.

Kulankii Sabtidii aynu soo dhaafnay ka baaqday xildhibaannada gollaha shacabka ayaa dood badan ka dhax abuuray gollaha, iyadoo xildhibaannada qaar ku eedeeyeen xukuumada in ay si ku talagal ah u baajisay kulankaas.

Tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya sarkaalka ka tirsanaa ururka ONLF dowladda Soomaaliya waxaa soo wajahay culus siyaasadeed oo dhinacyo badan ka imanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]