4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Rag u dhashay Burundi oo doonayay in ay ku biiraan Al-shabaab oo la xiray

 

Talaado, September, 12, 2017 (HOL) – Afar ruux oo u dhalatay dalka Burundi ayaa lagu qabtay Subaxnimadii hore ee Talaadadii maanta  magaalada Marsabit oo ka tirsan Isiolo  dalka Kenya, waxaana la sheegay in raggan la qabtay damacsanaayeen in ay ku biiraan xarrakada Al-shabaab.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in raggan ay ka soo tageen magaalada Bujumbura ee dalka Kenya iyagoo iska dhigaya dalxiisayaal, iyaga oo doonayay marka danbe in ay ka sii gudbaan xadka magaalada Mandera una tallaabaan dhinaca Soomaaliya.

Afarta ruux ee la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay  Ntakarutimana Benerd, 41 jir ah, Niyongere Yusuf oo 32 jir ah, Nshimirimana Fulgnce Shadady 31 sano jir ah iyo Bizoza Abderauf oo isaguna 20 sano jir ah.

Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa sidan oo kale bishii June waxa ay ku qabteen shan dhalinyaro u dhalatay dalka Kenya waxaa lagu xirey isla deegaankan iyagoo doonaya inay ku biiraan ururka Alshabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin tiro badan oo Ajaanib ah kuwaa oo intooda badan ka soo jeeda qaarada Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]