4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Al-shabaab oo sii deysay shaqaale gargaar oo ay ka afduubeen gobolka Hiiraan

 

Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Xarrakada Al-shabaab ayaa dib xoriyadooda u siisay labo gabdhood oo howlo samafal ah ka wada gobolka Hiiraan labo bilood ka hor.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sii deynta gabdhahan ku timid kaddib markii ay ka qaateen lacago madax furasho ah,sida ay sheegeen qaar ka mid ah waalidiinta gabdhahan oo la hadlay warbaahinta.

“Muddo labo bilood ah ayeey Al-shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo saddex maanta ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag madax furasho ah,waxey ka shaqeynayeen howlo samafal ah oo ay gobolka ka wadaan. “ayuu yiri mid ka mid Ehelada Gabdhahan.

Gabdhahan ayaa 16kii bishii July laga afduubtay deegaanka lagu magacaabo Farlibaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan,waxaana ay ka tirsanaayeen hay’adda Hello-Trast ,iyagoo halkaas ka waday howlo samafal ah, waxaan wali maqan qof kale oo ka mid ahaa shaqaalaha oo ku jira gacanta Al-shabaab.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab lacago madax furasho ah ka qaataan shaqaalle samafal oo ay ka qafaasheen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]