4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2017
Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in Abuu Mansuur uu kusoo wajahanyahay Magaalladda Baydhabo

 
Talaado, September, 12, 2017 (HOL) –Hoggaamiyihii hore ee kooxda Al Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa maalmaha soo socda la filayaa in uu gaaro magaalladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida uu sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka maamulka Nuuradiin Yuusuf Abuukar, ayaa sheegay in sababta uu u tagayo Baydhabo ay ka hadli doonaan Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed.

Xog ay heshay Hiiraan Online, ayaa sheegeysa in Mansuur, markii uu Baydhabo tago in uu sii aadi doono magaalladda Xudur ee xarunta gobalka Bakool, halkaas oo ay ku suganyihiin dagaalyahannada isaga daacada u ah.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka sheegaya in Mukhtaar Roobow uu gaaray Baydhabo.

Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo 15-kii bishii August warbaahinta kula hadlay hotel ku yaalla magaalladda Muqdisho, wuxuuna shaaciyey markii ugu horeysey fikirka uu ka aaminsanyahay Alshabaab.

Rooboow oo isu soo dhiibay dowladda federaalka ayaa saxaafadda u akhriyey war saxaafadeed qoraal ah oo sidoo kale la qeybiyey, oo ay ku qornaayeen afar qodob, waxaana ka mid ah:.

"In aan isaga baxay xubinna ka ahayn ururka Alshabaab muddo 5 sano iyo 7 bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan faham iyo khilaaf caqiido ku qotomo oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegeynin" ayuu yiri Rooboow.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia